Madaxweyne Biixi oo 19 Maxbuus oo budhcad badeed ahaa oo uu cafiyey ku wareejiyey odayaashoodii
Jimco, Augusto, 02, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley madax-dhaqameed ah uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Mudane Maxamed Xasan Xaad, kaasi oo dalka u yimid sidii loogu wareejin lahaaa 19 maxbuus budhcad badeed ah oo madaxweynuhu cafis u fidiyey.
Kulankan uu madaxweynuhu la
qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Hawiye oo ka qabsoomay xalay xarunta
qasriga madaxtooyada Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad
celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa,
kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu
dhawaan cafis u fidiyey.
Madaxda dhaqanka ee beelaha
Hawiye, ayaa maantaba u ambo baxay dalkoodii Hooyo ee Soomaaliya, iyaga oo
hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey, kuwaas oo
muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana
sii satootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Mudane
Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan.
Kulanka xalay waxa madaxweynaha
ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha
qaranka.
Hore sidan oo kale madaxweynuhu
wuxuu dhawr bilood ka hor siidaayey maxaabiis dagaal oo Somaliland ka haysay
Puntland, taas oo uu cafis u fidiyey maxaabiistaasi, waana dufcadii labaad ee
maxaabiis Soomaaliya ka soo jeeda oo uu madaxweynuhu cafiyo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.