3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo wadahadallo la yeelanaya dhiggiisa dalka Jabuuti


Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaraaha Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa maalinta berri ah wada hadallo ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood.

Booqashadan ayaa salka ku haysa aragti wadaagga ku saleysan iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
8/18/2019 11:51 AM EST
Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)- Waxey aheyd toogasho la yaab leh kaddib markii qof macmiil ka ahaa maqaayad ku taala magaalada Paris uu ku taagtay qofka ka tirsanaa shaqaalaha Maqaayada oo la soo daahay dalab cunno uu ka dalbaday

8/18/2019 11:31 AM EST
Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Maxkamada sare ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday maanta Saddex askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka, kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Nabadsugida Baydhabo.

8/18/2019 9:44 AM EST
Axad, August, 18, 2019 (HOL–Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in xisbiga WADDANI gabi ahaanba ka baxay heshiiskii saddexda xisbi ee beesha caalamkuna darafka ka ahayd kadib markii ay xukuumadda Kulmiye Burisay heshiiska.

8/18/2019 9:25 AM EST
Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)- Guddiga xuduuddaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa warqad u diray wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,James Swan , iyada oo warqadda lagu caddeeyay in doorashada Madaxweynaha Jubbaland la qaban doono waqtigii la qorsheeyay oo aan dib loo dhigi doonin.

8/18/2019 7:22 AM EST
Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya qeybta 43aad ayaa waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamimeysa ay sheegeen in Ciidamadu ay deegaano dhowr ah kala wareegeen Al-Shabaab.

8/18/2019 7:15 AM EST
Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in saddex nin oo Falastiini ah ay ku dhinteen mid kalana uu dhaawacmay kaddib marki ay toogteen ciidamada Israil Axadda maanta ah.

8/18/2019 4:04 AM EST
Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed

8/18/2019 2:08 AM EST
Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Waxaa isa soo taraya cabsi laga qabo Fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka geysto qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe, waxaan digniin arintan ku saabsan soo saaray maamulka gobolleedka Hirshabeelle

8/18/2019 1:56 AM EST
Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciimada ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Tooratooroow iyo degmada Awdheegle ee gobolkaas oo dhawaan ay Ciidamada Dowladda la wareegeen.

8/18/2019 1:29 AM EST
Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Wakiilka QM ee Soomaaliya, James Swan ayaa ka dalbaday Guddiga doorashada Jubbaland in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka taasoo aan la fulin qaar ka mid ah qodobadaas, inkastoo uu uga mahad celiyay uu dib u dhigay guddigu waqtiga doorashada madaxweynaha si fursad loo siiyo musharixiinta wali maqan.