4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2019
Paris '' Shaqaale loo dilay Sandwich laga dalbaday oo uu la soo daahay

 

Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)- Waxey aheyd toogasho la yaab leh kaddib markii qof macmiil ka ahaa maqaayad ku taala magaalada Paris uu ku taagtay qofka ka tirsanaa shaqaalaha Maqaayada oo la soo daahay dalab cunno uu ka dalbaday

Ninka toogashada geystay ayaa la sheegay in uu shaqaale ka tirsanaa maqaayada uu u dirsaday in uu u soo sameeyo Sandwich balse laga soo daahay, isaga oo doonayay in deg deg loogu keeno cunnada uu dalbaday.

Qofka toogashada geystay ayaa ka baxsaday goobta kumana aysan guuleysan Booliisku in ay gacanta ku dhigaan, iyaga oo sheegay in uu soconayo baaritaan arintan ku saabsan.

Gaari ambalaas ah ayaa isku dayey in 28 jirkaan dalab qaadaha ka ahaa maqaayadda uu badbaadiyo, balse ninkan oo madaxa laga toogtay ayaa ku dhintay isla goobtii lagu toogtay.

Dadka deegaanka oo siweyn uga xumaaday dilkan ayaa ku tilmaamay shaqaalaha maqaayada kuwo aad u degan, iyaga oo intaa ku daray  in la furay dhowr bilood uun ka hor.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]