4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2019
Xisbiga WADDANI oo sheegay inay ka baxeeen heshiishkii saddexda xisbi wada gaadheen

 

Axad, August, 18, 2019 (HOL – Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in xisbiga WADDANI gabi ahaanba ka baxay heshiiskii saddexda xisbi ee beesha caalamkuna darafka ka ahayd kadib markii ay xukuumadda Kulmiye Burisay heshiiska.

Hoggaamiye Xirsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guud ahaanba heshiiska laga majaro habaabiyay dariiqiisii ahaa in Golaha Wakiilladu heshiiska ansixiyo ama diido, islamarkaana looyar la taliye u ah shir guddoonku hor istaagay heshiiska.

“Waxa wax aad loogu qoslo ah oo la yaab leh heshiiskii Madaxweynuhu hormuudka ka ahaa ee miiskiisa lagu saxeexay ee labada xisbi mucaarad guddoomiyeyaashoodu wax ka saxeexeen ee aan Qaranka cidi u maqnay beesha caalamkuna inagu wehelisay ee markhaatiga ka ahayd ee ay inagala shaqaysay in la yidhaahdo ‘inan looyar ah baa diiday oo yidhi waa sharci darro’ oo madaxweynaha iyo intaas oo dhan waxay isku raacday waa sharci darro waa wax aad loola yaabo oo lagu qoslo. Qofka looyarka ah ama sharci yaqaanka ahi aragtidiisa sharci ayuu sheegi kara laakiin heshiiska oo nuxurkiisu ahaa in golaha la hor geeyo goluhuna ama diido ama yeelo oo sida heshiiska ku qoran ansixiyo ama diido, heshiiska waxa kaliya oo wax ka bedeli karayay, burin karayay ama laali karayay diidmada goluhu diido, xisbiyada mucaaradka ee aanu ka mid nahayna way ku talo galeen in haddii goluhu diido sidiisii loogu dhaqmo qodob ka mid ahna weeye haddii uu ogolaadana in 9 laga dhigo.”ayuu yidhi Xirsi oo ka hadlayey diidmada ay ka muujiyey qaabkii golaha Wakiiladu u laalay mooshinkii lagu kordhin lahaa xubnaha guddida doorashooyinka.

“Waxa muuqata in xukuumadda Kulmiye ee madaxweynaheedu saxeexay iyo xisbiga Kulmiye ee guddoomiyihiisii goobjooga ahaa in ay si indho la’aan ah heshiiskii u buriyeen maaddaama ay buriyeen oo ay ka hor yimaaddeen qodobadii heshiiska oo aanay sidiisii u raacin anagana mawqifkayaga WADDANI waxa weeye waanu ka baxnay oo heshiiskaasi nama qabto waanu ka baxnay, laga bilaabo maanta heshiiskaasi uma xidhnin laakiin, waxaanu ogol nahay haddii miiska wada hadalka la isugu yimaaddo oo hawshii dib loo wadayo oo ay ka noqdaan khaladkoodii oo ay garwaaqsadaan oo madaxda kale beri ka noqdaan anagu waxaanu tuhunsanahay in ay iyagu dabada ka riixayaan haddii se ay yidhaahdan beri baanu ka nahay oo idinkala niyad baanu nahay in heshiiskii la sii wado anaguna wixii Qaranku ku heshiiyo ama maslaxadda umadda ah ka talo goosan mayno,” ayuu raaciyey hadalkiisa.

Golaha Wakiilada ayaa shalay laalay heshiishkii saddexda xisbi, isla markaana la taliyaha arrimaha sharciga ee golaha Wakiilada ayaa sheegay in mooshinkaasi jabay mar hadii lagu kala kacay, waxaanay galeen fasaxoogii caadiga ahaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.