4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2019
Wabiga Shabeeelle oo laga cabsi qabo fatahaad uu ka geysto qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe

 

Axad, Augusto, 18, 2019 (HOL)-Waxaa isa soo taraya cabsi laga qabo Fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka geysto qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe, waxaan digniin arintan ku saabsan soo saaray maamulka gobolleedka Hirshabeelle

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Hirshabeelle Maxamed Bashiir Daqarre ayaa sheegay in halis loogu jiro Fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabeelle,isla markaana Wabiga xilligaan uu yahay mid siweyn u  buux dhaafiyay.

Daqarre ayaa sheegay in ay jiraan dad u jeedooyin kale ka leh kuwaas oo uu  sheegay in ay qeyb ka yihiin in wabiga uu ku fataho deegaanmo kale  duwan,isaga oo digniin u diray dadka inta badan sameeyo sida uu wabiga  ku fatahi karo,isla markaana uu sheegay in ay tallaabo adag ay  ka qaadi  doonaan.

Wasiir ku-xigeenka ayaa ku amray Guddiyada Kanaaleyda Beeraha  Hir-Shabeelle inay iska soo diiwangeliyaan Xafiisyada Wasaradda Beeraha si ay uga wada Shaqeeyaan ka hortagida fatahaadaha Wabiga Shabeelle uu  inta badan sameeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]