4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Faah faahin ku saabsan dagaal caawa ka dhacay degmada Dhuusa-Mareeb

 

Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in caawa halkaa is rasaaseyn xoogan ku dhaxmartay ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Nabad-sugid.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayeen siweyn looga maqlayay inta badan xaafadddaha ay degmadu ka kooban tahay.

Dhinacyadan dagaalamay ayaa la sheegay in ay isku qabteen cidda ay tahay ay sugto nabad-galyada xarunta la filayo in uu ka furmo shirka Dib-u-heshiisiinta, iyadoo ergadii ugu badneyd ay maanta gaareen degmada.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay iska horimaadka  balse waxaa haatan socda dadaalo uu maamulka Galmudug ku doonayo in lagu  xaliyo khilaafka salka ku haya maamulka xarunta shirkolaha magaalada  Dhuusa-mareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]