Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay in laba saacadood ku soo qabteen gacan ku dhiigle nin ku dilay magaalada Hargeysa
Sabti, August, 17, 2019 (HOL)–Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay saacado kooban ku qabtay gacan ku dhiigle Toorey ku dilay nin shicib ah ka dib markii uu baxsaday..
Taliye ciidanka Booliska
Gen:C/raxmaan Fooxle ayaa sheegay in muddo kooban gudaheed ku soo qabteen gacan
ku dhiigle muwaadin ku dilay magaaladda Hargeysa, waxaanu u hambalyeeyey
ciidankii ku guulaystay soo qabashada ninkaasi baxsanayey.
“Xalay waxa uu dil ka dhacay
xaafada qoob dameereed, dilkaasi oo uu gaystay gacan ku dhiigle Mustafe Sheekh Maxamed Faarax oo khaarajiye loo yaqaan, waxaa
uu dilay marxuum Yuusuf Cali Wayd
Cadaani oo labadaba da’doodu yihiin konton jiro, waxaana lagu dilay marxuumka
Toorey, waxaanu falkaasi dhacay todobadii iyo badhkii fiidnimo ee xalay.”ayuu
yidhi taliye Fooxle oo ka warbixinayey dilkaasi ka dhacay magaaladda Hargeysa.
Waxaanu intaas ku daray “Ciidanka
Boolisku waxaa uu gallay hawlgal adag si gacan ku dhiiglaha loo soo qabto isagoo
isticmaalay xeelado kala duwan sida jid goyn iyo daba gal, isago wadooyinka uu
marayo laga sii xidhay, waxa lagu guulaystay in la qabto sagaalkii iyo badhkii
habeenimo, iyadoo lagu qabtay galbeedka magaalada Hargeysa gaar ahaan warshada
masaabiirta iyo kaalinta indho birta agteedda, ciidanku muddo laba saacadood buu
gacan ku dhiiglahaasi ku soo qabtay, iyagoo isticmaalaya xeelado kala duwan,
waana ku hambalyeynaya ciidanka boooliska wakhtiga kooban ee ay ku qabteen gacan ku dhiiglaha.”
Falkan ayaa xalay ka dhacay degmada Gacan libaax gaar ahaan xaafada qoob
dameeraad oo ah waqooyi bari ee magaaladda Hargeysa, waxaana lagu soo qabtay
gacan ku dhiiglaha degmada Koodbuur ee galbeedka magaaladda, gaar ahaan
xaafadda jigjiga yar.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland