4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Yemen oo Puntland ku wareejiyay nin horey dil u geystay

Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Safiirka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ,Cabdullahi Xaashi Shuuriye ayaa xilli dambe oo xalay ah soo gaaray dekedda magaalada Boosaaso, halkaa oo uu soo gaarsiiyay nin u baxsadey dalka Yemen oo horey dil uga geystay gudaha Puntland.

Eedeysane Maxamed Cabdullaahi ayaa magaalada Qardho ku dilay ganacsade caan ah oo lagu magacaabi jiray, allaha u naxaristo Dirir Cabdi Gufure , waxaana dadaallada dalka loogu soo celiyay ninka dilkaa ka dambeeyay ka qaybqaatay odayaal dhaqameed ka soo jeedda qoyska ninka dilka geystay.

Danjire Cabdullahi Xaashi Shuuriye , ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay marka ay dhacdooyinkan oo kale ay dhacaan inay la xiriira safaaradaha dibadda ku yaalla ee dalka, ama wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Bari iyo odayaal dhaqameed ku sugnaa dekedda Boosaaso ayaa ku ammaanay safiirka iyo odayaasha dhaqan dadaalka ay ku bixiyeen soo qabashada ninka dilka geystay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]