4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Nin qirtay kufsiga AUN Caasho Ilyaas

Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta u fariista kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aadan.

Xukunkii ay horay maxkamadda darajada koowaad iyo maxkamadda racfaanka ku rideen raggii ku eedeysnaa falkaas ayaa laga qabay dood, balse waxaa maanta mar qura isbaddalay sida ay wax u socdeen,kaddib markii Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame ayaa sheegay in uu ka qeyb qaatay kufsiga Caasho, hal marna uu u galmooday.

Sidoo kale wuxuu sheegay in falkaas ay kula jireen nin kale, oo aan wali gacanta lagu soo dhigin iyo mid maanta maxkamadda lala geeyay.

"Maanta waxaa kiiska kusoo kordhay in Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, oo ahaa xukumanaha koowaad uu qiraal ku noqday inuu Caasha kufsaday una tagay hal mar. horay waa loo sameeyay baaritaanno badan laakiin qofka bani'aadanka ah qalbigiisa waxa ku jira gacanta loogama soo saari haro, gacantana intaan afkiisa galino kama soo saari karno waxa ku jira, labadii maxkamadood ee hore wuu inkiray falka, tanna qiraal buu ku ahaa", ayuu yiri Maxamed Xareed oo ah xeer ilaaliye ku xigeenka guud ee Puntland.

Eedeysanaha saddexaad oo isna maanta maxkaadda la hor geeyay ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn falkii lagu kufsaday, laguna dilay Caasho.

Qareennada u doodayay saddexda eedeysane ayaa soo dhaweeyay go'aanka uu Cabdifataax ku qirtay arrinta, inkastoo ay horay ugu doodayeen in eedda loo jeedinayay aysan waxba ka jirin.

Kiiskan la xiriira kufsiga ayaa soo jitamayay ku dhawaad 6 bilood, iyadoo dhageysigii maxkamadda sare ee maanta uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah.

Maalinta Isniinta ah ayaa dib la isugu soo laaban doonaa dacwaddan, sida ay garsooreyaashu sheegeen.
Caasho Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir ayaa falka kufsiga iyo dilka ah loogu geystay magaalada Gaalkacyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]