3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo goor dhaw la doortay

 


Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay wajigii hore doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Labaad ee dowlad gobolleedka Jubbalad oo ay ku tartamayeen labo musharax.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan iyo Xuseen Shiinow Cali waxaana ku guuleystay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan (Sheekh Cabdi )

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa helay 55 Cod halka Xuseen Shiinow Cali  uu helay 18 Cod.

Giddoomiyaha cusub ee dib loo doortay ayaa horay u soo noqday guddoomiyihii Baarlamaankii Koowaad ee Jubbaland, waxaana dadka aqoonta u leh ay sheegayaan in uu saaxiib dhaw la yahay madaxweynaha Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe )

Waxaa hadda soconeysa codeynta ku-xigeennada guddoonka Baarlamaanka, iyadoo maanta guud ahaan la soo dhameystirayo dhismaha Baarlamaanka labaad ee dowlad gobolleedka Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 
 

 

 
 













Click here
8/17/2019 3:16 PM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in caawa halkaa is rasaaseyn xoogan ku dhaxmartay ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Nabad-sugid.

8/17/2019 11:20 AM EST
Sabti, August, 17, 2019 (HOL)–Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay saacado kooban ku qabtay gacan ku dhiigle Toorey ku dilay nin shicib ah ka dib markii uu baxsaday.

8/17/2019 10:57 AM EST
Sabti, August, 17, 2019 (HOL – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa laalay heshiishkii saddexda xisbi ku heshiiyeen in komishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba xubnood.

8/17/2019 9:44 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay ugu baaqay Soomaaliland wada-hadal, isagoo marka hadal ka jeediyay munaasabad lagu soo bandhigay buug ka hadlaya nabadda Soomaaliya.

8/17/2019 9:39 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Safiirka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ,Cabdullahi Xaashi Shuuriye ayaa xilli dambe oo xalay ah soo gaaray dekedda magaalada Boosaaso, halkaa oo uu soo gaarsiiyay nin u baxsadey dalka Yemen oo horey dil uga geystay gudaha Puntland.

8/17/2019 9:11 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Maxkamadda sare ee Puntland maanta u fariista kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caasho Ilyaas Aadan.

8/17/2019 8:57 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay baaqeedii hore ee ahaa in marnaba aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxday doorashooyinka Jubbaland tan Baarlamaanka iyo madaxweynaha intaba.

8/17/2019 8:52 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddiga ku-meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

8/17/2019 5:57 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Kooxda Kubadda Cagta Zamalek ee reer Masar ayaa ku dhufatay 7-0 kooxda kubadda Cagta Dekedda ee Soomaaliya Lugtii hore cayaar ka tirsan Koobka tartanka CAF Champions League

8/17/2019 4:29 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Baydhabo, halkaasoo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

8/17/2019 1:42 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)- Maanta ayuu qorshuhu ahaa in magaalada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud uu ka furmo shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug, hasse ahaatee shirkaa ayaa dib u dhacay markii labaad.

8/17/2019 1:20 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada doorashada Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland, waxaana si weyn looga dareemaya diyaar Garowga Xarunta doorashadda ay ka dhaceyso.

8/17/2019 1:12 AM EST
Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Guddiga Madaxa bannaan Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta aan horay isu diiwaan gelin, iyadoo dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha oo qabsoomi doonta 22 bishan.