4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 17, 2019
Doorashada madaxweynaha Jubbaland oo dib loo dhigay

 

Sabti, Augusto, 17, 2019 (HOL)-Guddiga Madaxa bannaan Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta aan horay isu diiwaan gelin, iyadoo dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha oo qabsoomi doonta 22 bishan.

Qoraal ka soo baxay Guddiga oo loo diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu sheegay in muddo saddex  maalmoof loo qabtay Musharaxiinta mucaaradka inay isku diiwaan geliyaan,  iyadoo taariikhdii 19 bishan oo aheyd inay ku dhacdo doorashada  Madaxweynaha dib loo dhigay, lagana dhigay 22 bishan oo ku beegan  khamiista.

Musharaxiinta ka soo horjeeda Axmed Madoobe ayaa saddex maalmood loo qabtay inay is diiwaan geliyaan, taasoo ka bilaabaneysa 17 bishan kuna eg 19 bishan.

Hase ahaatee shuruudihii horay Guddiga u soo saaray ee lagu xiray Musharaxiinta ayaa weli taagan, sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan dalka joogo iyo in aanu Xaas Ajnabi ah qabin, taasoo ka dhigan in Musharaxiinta qaar in aanay buuxin karin shuruudahan.

Dadaalo xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan doorashada Jubbaland ayaa sababtay in Wafdi ka socda Beesha Caalamka ay farageliyaan, si xaalada loo dejiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]