4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2019
Ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay Afar ruux

 

Jimco, Augusto, 16, 2019 (HOL)-Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa degmada Howlwadaag  gaar ahaa suuqa weyn ee Bakaaraha ku toogtay Suuqa Bakaaraha afar ruux oo mid haween aheyd, kuwaasoo la sheegay in ay qorsheynayeen isku day dil lala beegsan rabay Mas’uul dowladeed.

Taliye kuxigeenka Booliska ahna Afhayeenka Laamaha Amniga Jen. Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in afartan ruux ay toogteen Ciidamada Amniga ay isugu jireen 3 rag iyo hal haweeney.

“Ciidamada Booliiskadegmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka  hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada  toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u  siday”ayay tiri Jen. Zakiya.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka weli si rasmi ah uma sii faah faahin  falkan, hasse ahaatee waxaa ay sheegtay in ay Ciidamada Booliska degmada  Howl-Wadaag ka hortageen falkaasi la doonayay in lagu dilo Agaasimaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]