Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jigjiga lagu xusay sannad guuradii 35aad ee Aas-aaska Ururka ONLF, xuskan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga.
Haddaba xuskan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda ONLF,
Madaxda u saraysa DDS, Odayaal dhaqameedka iyo waxgaradka degaanka iyo
Shacabka qaybihiisa kale duwan.
Xuskan
ayaa waxaa khudbado kasoo jeediyay Madaxda Ururka ONLF, iyagoo sheegay
in halgankii uu Ururku soo waday ee qoriga ahaa ku badaleen mid qalin ah
halkiisiina uu kasii socon doono iyagoo si nabadgalyo ah u wadaya
halganka.
ONLF ayaa muddo
dheer usoo dagaallamayay Xoreynta dhulka Soomaalidu degto ee bariga
Itoobiya, oo ay rabeen in Itoobiyada kale ka go'aan. waxayna hadda kadib
u halgami doonaan qaab Xisbi oo gali doona doorashada soo socota.
waxayna Xafiisyo ka furteen dhammaan gobollada degaanka iyo caasimadda
dalka ee Addis Ababa.
Ururka
ONLF oo lagu xanto inay hal qabiil u badan yihiin ayaa hadana waxay u
halgamaan guud ahaan dadka Degaanka Soomaalida deggan.
Xuskan 35aad ee Aas-aaska ONLF ayaa maanta laga wada xusay gobollada degaanka iyo dibadda oo ay joogaan taageerayaasha ONLF
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]