4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Imtixaankii shahaadiga ee dugsiyada dhexe iyo kuwo Sare ee Somaliland oo maanta la shaaciyey

 

Khamiis, August, 15,  2019  (HOL –Wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijadii imtixaanka shahaadiga ah ee gobolada oo dhan, waxaana sanadkan imtixaanka u fadhiistay ku dhowaad sodon kun oo arday oo iskugu jira dugsiga dhexe iyo dugsiga Sare.

Dugsiyada sare ee dalka waxa imtixaanka u fadhiistay sagaal kun lix boqol iyo kow iyo sagaashan arday (9,691), waxaana imtixaankaasi gudbay sideed kun, toddoba boqol iyo sideetan iyo todoba arday (8,787) arday, waxaa dhacay toddoba boqol iyo labaatan iyo saddex arday (723 ) arday , 92% baa gudbay.

Dugsiyada dhexe waxa imtixaanka u fadhiistay sagaal iyo toban kun, sideed boqol iyo todobaatan iyo afar arday (19,874 ), waxa gudbay todoba iyo toban kun iyo sodan iyo sideed arday (17038) arday, waxa dhacay laba kun, shan boqol iyo lixdan laba arday (2562 arday).

Sidoo kale, sanadkan waxa gabi ahaanba la joojiyey tobankii qof ee ugu sareeyey ee la shaacin jirey.

Sidoo kale, sanadkan waxa la soo bandhigay gobol gobol siday ardaydu u kala galeen imtixaanka, waxaanay u qornayd sidan:

Dugsiyada dhexe ee Somaliland waxay kala yihiin: Gobolka Awdal, 2213 arday bay ka koobnaayeen, waxa gudbay 1,867 arday, waxa dhacay 331 arday, waxa aan galin 25 arday.

Gobolka Badhan: 461 arday bay ardaydu ahayd, waxa gudbay 428 arday, waxa dhacay 75 arday, waxaan galin 58 arday.

Gobolka Buuhoodle, 347 arday bay ahaayeen, waxa gudbay 336 arday, waxa dhacay 3 arday, waxaan galin sideed arday.

Daadmadheedh: waxay ardaydu ahayd 99 arday, waxa gudbay 94 arday, waxa dhacay 5 arday, .

Gabiley: waxay ardaydu ahayd 1,352, waxa gudbay 1,138 arday, waxa dhacay 2002 arday, waxa aan galin 12 arday.

Hawd: 48 arday baa imtixaanka u fadhiistay, waxa gudbay 44 arday, waxa dhacay 3 arday, waxaan galin hal arday.

Maroodi jeex: waxa imtixaanka u fadhiistay 8,664 arday, waxa gudbay 7,309 arday, waxa dhacay 1,278 arday, waxaan galin 77 arday.

Saaxil: tiradda ardaydu waa 719 arday, waxa gudbay 652 arday, waxa dhacay 60 arday, waxa aan galin 7 arday.

Gobolka Selel: 126 arday baa u fadhiistay, waxa gudbay 107 arday, waxa dhacay 19 arday.

Sanaag; 1,169 baa imtixaanka u fadhiistay, waxa gudbay 1,108 arday, waxa dhacay 37 arday, waxaan galin 24 arday.

Saraar: 261 baa imtixaanka u fadhiistay, waxa gudbay 260 arday, wax ka dhacay ma jirto, hal arday baan imtixaanka galin.

Sool: 885 arday ayaa imtixaanka u fadhiistay, 820 baa gudbay, waxa dhacay38 arday, 27 may galin.

Togdheer: 3,420 baa imtixaanka u fadhiistay, waxa gudbay 2875 arday, waxa dhacay 511 arday, waxaa aan galin 34 arday.

Tirada guud ee gudubtay waxay ahayd dugsiyada dhexe 17038 arday, waxaana dhacay 2,562 arday.

Sidoo kale, tiradda guud ee imtixaanka u fadhiistay dugsiga sare waxay tahay 9,691 arday, 8,787 baa gudbay, waxa dhacay 723 arday, marka boqolleyda loo qorana waxa gudbay 92% ardayda imtixaanka u fadhiistay sanadkan, waxaana dhacay boqolkiiba sideed arday.

Sidoo kale, waxa ardayda loogu bushaareeyey in shan boqol oo arday deeq waxbarasho oo bilaash ah ka heleen Itoobiya, kuwaas oo imtixaan kale laga qaadi doono ardayda ugu sareeya la qaadan doonno, halka dugsiga sare ee Hoyga ah ee SOS ee degmadda Sheekh gobol walba ardaydii ugu sareeyey oo imtixaaan laga sii qaaday lagu xareyn doonno si ay uga mid noqdaan ardayda galaysa dugsigaasi Sheekh ee gobolka Saaxil ku yaalla.

 

 Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.