4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Sawir qaade ka tirsanaa Idaacada codka ciidamada oo lagu dilay weerarkii shalay ee Awdheegle

 

Khamiis,Augusto, 15, 2019 (HOL)- Ururka Qaranka suxufiiyinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay dilka sawir qaade ka tirsanaa Idaacada codka ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku dhintay weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay lagu qaaday Awdheegle

Cabdinaasir Cabdulle Gacal ayaa ugu danbeyntii geeridiisa la shaaciyay xalay kaddib markii magaalada Muqdisho loo soo qaaday meydka Lix ruux oo uu ka mid ahaa wariyaha oo ku dhintay weerarkii shalay.

Gacal oo da'diisu aheyd 24 sano jir ayaa noqonaya wariyihii saddexaad oo sanadkan ku dhintay weerarro is qarxin ah, waxaana wariyahan lagu tilmaamay in uu ahaa nin dhalinayaro ah oo firfircoon kana soo shaqeeyay warbaahinno kala duwan, isaga oo ka hor inta uusan ku biiri Idaacada Codka ciidamada ka shaqeeyay Teleefishinka HornCable

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]