4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Marekanka oo xayiray madaxii hore ee ciidammada sirddoonka Suudaan

Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Marekanka ayaa dalkiisa ka mamnuucay madaxii hore ee ciidammada sirddoonka Suudaan Saalax Gosh, iyada oo go'aanka uu qayb ka yahay cunaqabateyn uu Marekanka ku soo rogay sarkaalka.

Saalax Gosh, ayaa lagu eedeyay inuu ku lug lahaa tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Marekanka ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay , waxaa lagu sheegay in la hayo caddeymo muujinayo in Gosh uu ku lug lahaa dhacdooyin lagu dhibaateeyay dad rayid ah markii uu ahaa madaxii ciidammada sirddoonka Suudaan.

Saalax Gosh waxaa uu xilkan hayay xilliggii dalka ka talinayay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Suudaan Cumar Al Bashiir.

Dalka Suudaan ayaa is beddelo waa weyn ay ka dhaceen tan iyo markii xilka laha tuuray Al Bashiir, balse waxaan wali mira-dhalin dadaallada rayidka ay ku doonayaan inay dowlad soo dhistaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]