3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Wararkii ugu danbeeyay xaalada degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose

 

Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xaaladu saakay degan tahay kaddib weerar loo adeegsaday qaraxyo oo shalay ay ku qaadeen xoogagga Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka  ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, kuna gaarsiiyeen khasaare xooggan, balse Al-shabaab ayaa dhankooda weerarkaasi ay ku dileen tiro badan oo ka mid ahaa ciidamada dowladda ee ku sugnaa saldhiga.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in labada dhinac uu soo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada dhimasho iyo dhaawac kala gaaray.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka  wada deegaanada, waxaana howlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Awdheegle  ku qabteen dad lagu tuhunsan yahay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 
 

 













Click here
8/15/2019 2:33 PM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)- Waxaa Magaalada Baydhaba ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Ka faa’ideystayaasha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta kaa soo ka socday magaalada Baydhabo intii u dhexeysay 13ka illaa 15ka Agoosto 2019ka.

8/15/2019 12:54 PM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay shir toddobaadkii uu golaha yeesho maalinta khamiista ayaa ansixiyay heshiis is afgarad oo u dhaxeeyay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda Qoyska, Shaqada iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyada Turkiga.

8/15/2019 10:54 AM EST
Khamiis, Augusto, 15. 2019 (HOL)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hiirtii hore ee saaka kormeer shaqo kusoo maray qaar kamid ah xarumaha wasaaradaha qaranka iyo hay’adaha madaxa bannaan ee dawladda, waxana uu u kuurgalay hannaanka ay shaqadu ugu socoto xarumahaas.

8/15/2019 10:49 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jigjiga lagu xusay sannad guuradii 35aad ee Aas-aaska Ururka ONLF, xuskan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga.

8/15/2019 8:58 AM EST
Khamiis, August, 15, 2019 (HOL –Wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday natiijadii imtixaanka shahaadiga ah ee gobolada oo dhan, waxaana sanadkan imtixaanka u fadhiistay ku dhowaad sodon kun oo arday oo iskugu jira dugsiga dhexe iyo dugsiga Sare.

8/15/2019 8:44 AM EST
Khamiista, Augusto, 15, 2019 (HOL)- Ku dhawaad Afar sano kaddib magaalada Beledweyne waxaa dib uga bilaawday isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga oo meelaha qaar wax lagu kala iibsanayo.

8/15/2019 6:54 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi ka socday beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale.

8/15/2019 5:04 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa isbitaalka ku booqday askarta ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee shalay ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

8/15/2019 3:24 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diidday eedeymaha la xiriira inay shaqo la'aan ka jirto Puntland, isaga oo marka sababay diidmadiisa.

8/15/2019 3:23 AM EST
Khamiis,Augusto, 15, 2019 (HOL)- Ururka Qaranka suxufiiyinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa cambaareeyay dilka sawir qaade ka tirsanaa Idaacada codka ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku dhintay weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay lagu qaaday Awdheegle

8/15/2019 3:11 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)– Marekanka ayaa dalkiisa ka mamnuucay madaxii hore ee ciidammada sirddoonka Suudaan Saalax Gosh, iyada oo go'aanka uu qayb ka yahay cunaqabateyn uu Marekanka ku soo rogay sarkaalka.

8/15/2019 2:56 AM EST
Khamiis,Augusto, 15, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo oo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan wafdi ka socda beesha calaamka

8/15/2019 1:08 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)-Magaalada Taariikhiga ah ee Philadelphia ee dalka Mareykanka waxaa shaley galab ilaa xaley ka socdey toogasho iyo weerar dhex marey dabley hubaysan iyo ciidmada Booliiska dalkaas oo isku dayaya inay ka hortagaan kooxaha weerarka soo qaaday

8/15/2019 12:56 AM EST
Khamiis, Augusto, 15, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay halkaa ka soconayeen kulamo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada.