4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2019
Wafdi ka socda beesha caalamka oo maanta Kismaayo tagaya

 

Khamiis,Augusto, 15, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo oo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan wafdi ka socda beesha calaamka

Wafdiga ayaa lagu wadaa in uu hoggaamiyo wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kuwaa oo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo guddiga doorashada.

Todobaadkii hore ayaa waxaa Kismaayo tagay wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Urur Goboleedka IGAD, waxaana dhowr cisho oo ay joogeen la kulmeen Madaxweynaha Jubbaland, Wasiirada, Guddiga doorashada, Musharaxiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka, iyagoo ku baaqay in la dejiyo xaalada, lagana shaqeeyo sidii xasillooni iyo nabad ku dhici laheyd doorashada.

Kismaayo ayaa gashay marxlad siyaasadeed oo adag kaddib markii looga dhawaaqay xildhibaannada labo baarlamaan oo iska soo horjeeda iyadoo laga cabsi qabo in halkaa ay ka sameysmaan labo madaxweyne oo iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]