Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Golaha wasiirada Malaysia ayaa maanta ka wada-hadlay waxa laga yeelayo degenaanshaha joogtada ah ee uu dalkaas ku leeyahay Sheekha u dhashay India ee Zakir Naik, ayada oo saddex wasiir ay dalbadeen in dalka laga cayriyo sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu jeediyey hadallo jinsiyeed xasaasi ah.
Sheekh Zakir Naik, oo Malaysia ku noolaa saddexdii sano ee tagay,
ayaa dalka India ku wajahaya dacwado la xiriira been xalalaeyn lacageed
iyo inuu jeediyey hadallo naceyb ah.
Waxa uu dhowaan jeediyey hadal aad looga dhalleeceeyey Malaysia, oo
ah in dadka Hindus-ka ah ee ku nool dalkaas ku yaalla Koonfur Bari Asia
ay “100 mar ka xuquuq badan yihiin” Muslimiinta laga tirada badan yahay
ee India.
Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia,
oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo
hartay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus.
Wasiirada Malaysia ayaa sheegay in hadalka Zakir laga yaabo in looga
dan lahaa in xiisad looga dhex abuuro Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka
ahayn ee Malaysia. Sheekh Zakir waa uu beeniyey eedeymahaas.
“Waxaan caddeenay mowqifkeena, waana in tallaabo la qaadaa, oo Zakir
Naik aan loo ogolaan inuu sii joogo Malaysia” Waxaa sidaas bayaan uu soo
saaray ku yiri wasiirka is-gaarsiinta Malaysia Gobind Singh Deo.
“Ra’iisul wasaaraha waa uu dhageystay walaaceena. Isaga ayey u
taallaa inuu mowqif qaato oo sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaro
waxa lagu xalin lahaa dhibaatadan” ayuu yiri.
Wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta M. Kulasegaran iyo wasiirka biyaha,
macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah Xavier Jayakumar, ayaa iyagana ka
dalbaday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad in la eryo Sheekh Zakir Naik.
“Ammaantii aan dowladda Malaysia ugu jeediyey sida Islaamiga ah ee
wanaagsan ee ay ula dhaqanto dadka Hindus-ka ee laga tirada badan yahay
ayaa si kale loo beddelay ayada oo dan siyaasadeed laga leeyahay” ayuu
Sheekh Zakir ku yiri bayaan uu soo saaray.
Wakaaladda warraka Malaysia ee Bernama ayaa kasoo xigatay ra’iisul
wasaare Mahathir inuu sheegay in Zakir aan dib loogu celin karin
Malaysia sababo al xiriira amnigiisa.
“Haddii dal kale uu doonayo inuu mart-geliyo, waan soo dhoweeneynaa” ayuu yiri Mahathir.
VOA