4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2019
Wakaaladda Imtixaanaadka dalka Itoobiya oo dib u eegis ku samaynaysa natiijada Imtixaanka fasalka 12aad

 

Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Wakaaladda Imtixaanaadka dalka Itoobiya ayaa goor dhawayd sheegtay in dib loo eegayo natiijadii Imtixaanaadka heer qaran ee fasalka 12aad.

Arrintan ayaa ka dambaysay kaddib markii cabashooyin  badan Wakaaladda uga yimaadeen dhanka ardayda iyo waalidiintooda, oo  dhakafaar ku noqotay natiijada ay wakaaladdu shaacisay maalinimadii  shalay.

Haddaba Wakaaladda Imtixaanaadka heer qaran ayaa ardayda ka codsatay inay dulqaad muujiyaan intay dib u eegayaan natiijada oo ay sheegeen in maamlo gudahood ku eegi doonaan.

Wakaaladda ayaa maalinimadii shalay baahisay natiijada imtixaanka fasalka 12aad, taas oo inta badan ardaydu ku qanci waayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]