4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2019
Jubbaland ma labo maamul ayeey yeelaneysa

 

Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu dhaariyay xildhibaannada garabka musharixiinta Isbadal-Doonka Jubbaland oo maalintii shalay lagu dhawaaqay.

Axmed Aadan Cabdi Guddoomiyaha guddiga doorashada  maalintii shalay xildhibaannada ku dhawaaqay ayaa sheegay in  maanta dhaariyeen sida uu hadalka u dhigay tiro ka badan 50 xildhibaan oo ka mid ah 75 xildhibaan oo ay maalintii shalay ku dhawaaqeen, isaga oo intaa ku daray in tirada soo hartay oo aan hadda Kismaayo ku sugneyn la dhaarin doono.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in howsha ay sidaa ku sii socon doonto, ilaa laga gaarayo doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.

Xildhibaannada maanta la dhaariyay ayaa markiiba guddoomiye ku-meel-gaar ah u doortay Xildhibaan Maxamed Buule Dhaay oo horay uga mid ahaa Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Jubbaland. 

Dhinaca kale, guddoomiyaha guddiga doorashada iyo xudduudaha Jubbaland Xamse Cabdi Barre  oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay wax ka badal ku sameeyeen jadwalkii doorashada, islamarkaana 19ka bishan doorran doonaan sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland.

Marka leys bar- bar dhiggo hadallada labada Guddoomiye Guddi Doorasho waxaa muuqata in ugu danbeyntii Labada Baarlamaan dooran doonaan labo madaxweyne oo iska soo horjeeda, laakiin dhinaca kale waxaa soconaya waan-waan la doonayo in meel-dhexe leysugu keeno dhinacyada iska soo horjeeda sida uu ka dhawaajiyay Axmed Aadan Cabdi oo guddoomiye u ah guddiga doorashada garabka Isbadal Doonka

Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray wafdi ka socda howlgalka midowga Africa AMISOM iyo xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka kuwaa oo halkaa u tagay sidii xal loogu heli lahaa xiisada ka dhalatay doorashada.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hambalyo u diray xildhibaannada cusub ee la dhaariyay maalintii shalay isaga oo u rajeeyay in Alle u fududeeyo mas'uuliyada loo idmaday.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa siweyn u hadal haya xiisada ka taagan doorashada iyaga oo qaba in haddii aan si deg deg ah loo xalin ay keeni karto in magaaladu yeelato labo maamul oo iska soo horjeeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]