4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2019
Ardayda fasalka 12aad ee Deegaanka Soomaalida oo ku qanci waayay natiijadii Imtixaanka

 

Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Iyadoo maalinimadii shalay la shaaciyay natiijada Imtixaanka fasalka 12aad ee dalka Itoobiya, ayaa ardaydii degaanka Soomaalidu ee fasalka 12aad Imtixaanka gashay ayaa ku qanci-waayay natiijadii Imtixaanka iyadoo intooda badani ay dhibco hoose keeneen.

Haddaba ardaydan oo qaarkood aan la xidhiidhnay ayaa Hiiraan Online u sheegay in haba yaraatee aysan ku qanacsanayn natiijadii la shaaciyay, isagoo arday walba uu natiijadiisa ka helay bogga Internetka 

Ardaydan ayaa qaar kamid ah qaba in tayadii waxbarashadu ay ahayd mid hoosaysay, halka kuwa kale ay aaminsan yihiin in iyagu aysan dadaal badan la imaanin.

Madaxwaynaha DDS  Mustafe Cagjar ayaa horey u sheegay in qishkii la joojiyay, isla  markaana arday walba uu dadaalkiisa helayo, waxaa kale oo uu sheegay in  arday badan oo qish ku gudubta ay dhaanto arday yar oo dadaalkooda ku  gudubta.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]