4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2019
Doorashada madaxweynaha Jubbaland oo waqtigeedii laga soo hormariyay

 

Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL)-Guddiga doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa soo saaray jadwal ka duwan kii hore ee la qorsheeyay in ay ku socto doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka Jubbaland.

Jadwalkan cusub oo ay soo saareen guddiga ayaa tilmaamaya in doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ay dhici doonto 19ka bishan Augusto, halka guddoomiyaha Baarlamaanka la dooran doono 17ka bisha.

Isbadalkan cusub ee lagu sameeyay hannaan socodka doorashada ayaa imanaya xili uu jiro is qabqabsi xoog leh oo ka taagan doorashada iyadoo maalintii shalay oo kaliya Kismaayo looga dhawaaqay xildhibaannada Labo Baarlamaanka.

Akhriso Jadwalka cusub ee guddiga Doorashada :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]