Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL) – Dagaalyahanno hubeysan oo lagu sheegay in ay ka tirsan
yihiin Ururka Al-shabaab ayaa weerarro khasaare geystay waxaa ay ka geysteen
saacadihii la soo dhaafay deegaanno ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka
Kenya.
Weerarka koowaad ayaa ka dhacay waddada isku xirta deegaanka Yunbis iyo magalada
Gaarisa,waxaana la sheegay in lala beegsaday gawaari ay lahayeen hay’adaha
UN-ka ee ka howlgalla deegaannada Gobolka Waqooyi Bari.
Weerarkan mas’uuliyadiisa waxaa sheegtay in ay ka
danbeeyeen Ururka Al-shabaab, waxaana ay sheegeen in ay gubeen mid ka mid ah
Gawaarida UN-ka sidoo kale-na ay gacanta ku dhigeen laba nin oo mid ka mid ah uu
ahaa darawalka Gaariga.
Weerar kale ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay
Tuulada Sinow oo hoostagta magaalada Mandheera,waxaana weerarkas ay
Shabaab sheegteen inay ku dileen Wiil iyo Aabihiis oo ka mid ahaa Saraakiisha
Ciidamada Kenya ee ka howlgasha Gobolka Waqooyi Bari.
Wali wax war ah kama aysan soo bixin dhinaca
saraakiisha dowladda Kenya oo ka hadlayay weerarradan Al-shabaab ay sheegteen
in ay ka geysteen gobolka Waqooyi Bari Kenya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]