Arbaco, Augusto, 14, 2019 (HOL) –Wasiirka Wasaaradda Arrimaha
dibadda Soomaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay kulan
dalka Saudi Arabia ay kula yeesheen wafdigii ka socday Somaliland uu horkacayay
madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
‘’Annaga iyo madaxweynaha
Somaliland iyo wafdigiisa waxaan wada-degeneyn hal qasri, waxaan isku aragnay
oo aan ku kulannay Masjid, Annaga ayaa u tagnay oo Salaan ugu tagnay , runtiina
waxaa uu madaxweyuhu noo soo dhaweeyay si qalbi furan oo Soomaalinimo ah, wixii
xiligaa ka danbeeyayna meelo kale oo badan ayaan isku aragnay, kulanku wuxuu ahaa mid salaam oo kaliya ah,
waxaan arkayay meelaha qaar dad Soomaaliyeed oo ka hadlayay kulanka oo waliba
siyaasadeynaya, wax siyaasad ah oo aan ka wada hadalnay ma jirto, fasaxna uma
heysan wafdiggeena dowladda Soomaaliya in aan siyaasad ka hadalno’’ayuu yiri
Wasiir Cawad.
Laakiin Wasiir Cawad meesha kama
uusan saarin kulankii dhaxmaray labada dhinac uu noqon karo mid jawiga siyaasadda wax ka badali kara, madaama maalmihii ugu
danbeeyay hawada leysku marinayay hadalo siyaasadeed oo aan wanaagsaneyn.
‘’Dabcan kulankan jawigii hore
waxbuu ka badali karaa, Anniga shaqsiyan madaxweynaha isma eynaan aqoonin,
laakiin markii aan la kulannay waxaan ogaanay in ay yihiin dad Soomaaliyeed oo
wanaagsan oo wax cuqdad iyo shaki ah toona qabin, marka kulankan wuxuu bilow u
noqon karaa in uu meesha ka saaro jawiggii hore ee kala shakiga ayuu yiri’’ Wasiir Cawad.
Kulanka wafdiga labada dhinac
ayaa u muuqday mid dood adag oo
siyaasadeed abuuray, iyadoo xisbiyada mucaaradka Somaliland oo dhankoodaka
hadlay sheegeen in wafdiga uu horkacayay madaxweyne Biixi looga fadhiyo jawaabta kulankaa
iyo waxa uu daarannaa.