Taliska Booliiska oo sheegay in ay qabteen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo walxaha qarxa
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Taliye ku-xigeenka ciidamada
Booliiska Soomaaliyeed Gen Zakiya Xusseen Axmed oo warbaahinta kula hadashay
magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ciidamada dowladda howlgal ay sameeyeen ku
soo qabteen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo walxaha qarxa.
Howlgalkan oo laga sameeyay
deegaanka Ceelasha biyaha ee dulleedka Muqdisho ayeey sheegtay in lagu soo
qabtay hub faro badan, Bambooyin, Miino,
Sumanka qaraxyada iyo waxyaabo kale,isla markaana lagu aasay God ku yaalla
deegaanka howlgalka laga fuliyay.
Dhinaca kale howlgal ay ciidamada
ka sameeyeen degmada Afgooye ayeey sheegtay taliye ku-xigeenka in lagu soo
qabtay ilaa 35 xubnood oo sida ay hadalka u dhigtay ka tirsan Ururka
Al-shabaab.
Deegaanka Sabiib oo ka tirsan
isla gobolka Shabeellaha Hoose ayeey sheegtay in howlgal laga sameeyay lagu soo
qab qabtay 14 xubnood oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Warka ka soo baxay taliska
Booliiska ayaa imanaya xili howlgalo ballaaran ay ka socdaan qeybo ka mid ah
gobolka Shabeelllaha Hoose oo ka mid ah deegaannada ay ku xoogan yihiin Ururka
Al-shabaab.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]