Wasiirro ka qeybgalay furitaanka Bankiga Amaana oo laga hergaliyay magaalada Muqdisho
Sabti, April, 06, 2019 (HOL) –Wasiirro ka tirsan xukuuumadda Soomaaliya, Xisaabiyaha guud ee Qaranka xildhibaanno iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta ka qeybgalay munaasabada furitaanka Bankiga Shirkadda Amaana.
Cabdirisaaq Xusseen Maalin
guddoomiyaha Bankiga Shirkadda Amaana ayaa sheegay Xawaallada ay muddo ku dhan
20 sano u shaqeyneysa shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay ku faraxsan yihiin
in maanta u gudbeen Bankiga oo muhiim u ah sida uu hadalka u dhigay bulshada
Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga
Maxmed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta
la daah furay Bankiga shirkadda Amaana isaga oo sheegay in uu noqonayo Banki
cusub oo ku soo kordhay guud ahaanba hay’addaha Maaliyada Soomaaliyeed.
‘’Shirkadda Amaana ma cusba waxaa shirkad
runtii muddo dheer u shaqeysay shacabka Soomaaliyeed, howlo nadiif ahna soo qabatay,
maantana haddii ay ku dartay Bankiga runtii waa arin la soo dhaweeyo’’ ayuu yiri
Maareeye.
Wasiir ku-xigeenka Wasaarradda
Maaliyada ayaa sidoo kale dhinaciisa soo dhaweeyay furitaanka Bankiga Amaana
isaga oo sheegay in guud ahaanba marka la eego Bankiyada kala duwan ee dalka ka
jira ay hoos u imanayaan wasaarrada Maaliyada iyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo gudaha dalka
Soomaaliya xariga laga jaro qeybtan cusub ee Bankiga shirkadda Amaana
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com