Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo la magacaabay

Khamiis, April, 04, 2019 (HOL)– Dowladda
Soomaaliya ayaa Guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya,
kaddib markii ay dhamaatay mudadii xil heynta aheyd Guddoomiyihii hore ee
Bankiga Dhexe.
C/raxmaan Maxamed
C/llaahi ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, kaasoo magacaabidiisa ku yimid guddi loo xil saaray xulidiisa oo ka
tirsan Golaha Wasiirada.
Waxaa uu leeyahay Guddoomiyaha cusub khibrad
dhinaca maamulka Dhaqaalaha iyo Bankiyada.
Waxaaa uu labadii sano ee la soo dhaafay ahaa La
Taliye Sare oo dhinaca dhaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa uu ka soo
jeedaa Gobolka Togdheer.
Waxaa ay magacaabistiisa meesha ka saareysaa hadal heyntii ku saabsaneyd in
xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe loo magacaabayo nin Ajnabi ah, kaddib markii
Baarlamaanka ay horaantii sanadkan wax ka bedel ku sameeyeen wax ka bedelka
Xeerka Baniga Dhexe.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com