Arbaco, April, 03,
2019 (HOL) – Guddoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisoow ayaa
warbaahinta u sheegay in qof uu ku dhintay rasaas Al-shabaab ay ku fureen Doon
ay wateen rag kalluumeysato ah.
Wuxuu sheegay in
xiligan rasaasta lagu furayay Doontan ay mareysay inta u dhaxeysa deegannada
Jilib Marka iyo Gardanshe, hasse ahaatee ay ku dhawaatay fariisin ay Al-shabaab
lahaayeen.
‘’Doonta waxaa la
socday Shan Qof Kalluumeysato ahaa, waxaa rasaas ku furay Al-shabaab taasoo
sababtay geerida Naaquudihii Doonta, ayuu yiri’’ mas’uulkan la hadlay
warbaahinta.
Gobolka Shabeellaha
hoose saacadihii ugu danbeeyay waxaa ka socday howlgallo ciidamada dowladda ay
ku baacsanayaan Al-shabaab, taasoo keentay in ay xoogagga Al-shabaab ka
shakiyaan Doontan.
Ilaa iyo hadda wax
war ah kama soo saarin Al-shabaab eedeynta loo jeediyay ee ah in ay rasaas ku
dileen qof Kalluumeysato ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]