4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 24, 2019
Masaarida oo ogaalatay is beddelka Dastuurka oo awood dheeraad ah siinaya el-Sisi

Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi ayaa guul ka gaaray dadaal dheer oo u ku bixinayay wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka dalkaas si awood dheerad ah uu u helo.

Guddiga doorashooyinka Masar, ayaa sheegay in afti Talaadadi shalay loo qaaday wax ka baddalid lagu sameeyay dastuurka, ay shacabka Masar si aqlabiyad leh u oggaalaadeen, wuxuu guddiga sheegay  88.83 % inay 'Ha' ku codeeyeen shacabka Masar.

Wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka Masar ayaa u oggaalanaysa madaxweynaha xilka haya ee el-Sisi  inuu maamulla dalkaas ilaa sannadka 2030ka, intaas waxaa dheer awood dheeraad ah oo u helayo ;sidda inuu soo magacaabi karo madaxweyne ku-xigeeno mid iyo ka badan oo uu isagu jaangeynayo awooddooda, waxaa kalo uu magacaabi karaa xeer ilaaliyaha guud iyo guddoomiyaha maxkamadda, taaso u suragalinaysa inuu awood ku dhex yeesho garsoorka dalkaas.

Isbedelka lagu sameeyay dastuurka Masar ayaa sidoo kale ogaaladey in la soo kordhiyo Aqalka odayaasha. Milateriga Masar ayaa iyaguna awood dheerad ah ku helay wax ka beddelka dastuurka, wixii hadda ka dambeeya kuma ekaan doonaan xaduuddaha ee waxaa ay ilaalin doonaan Dastuurka,dimuquraadiyada iyo dowladda madaniga ah,taas oo ka dhigan haddii uu kacdoon dhaco inay ka hortagi karraan.

Baarlamaanka Masar ayaa labo toddobaad ka hor oggaaladay wax ka beddelka dastuurka,iyadoo dhinaca kale ay ka soo horjeesteen wax ka baddalid lagu sameeyay dastuurka asxaabta iyo ururrada mucaaradka ah ee Masar.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]