3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2019
Kim Jong-un oo gaaray Ruushka

Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)– Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,Kim Jong-un ayaa gaaray magaalo xeebeedka Vladivostok oo markii ugu horreysay wadahadallo uga furmayo isaga iyo dhiggiisa Ruushka,Vladimir Putin.

Telefishanka dawladda Ruushka ayaa soo bandhigay Kim isaga oo ka baxaya tareenkiisa gaarka ah ee cagaaran,waxaa lagu soo dhaweeyay cuntada hiddaha iyo dhaqanka u ah dalkaasi.

Labada hoggaamiye ayaa marka kulmaan waxaa ay ka wadahadli doonaan arrimaha Nukliyerka ee Gacanka Kuuriya,sida laga soo xigtay  Aqalka looga taliyo Ruushka ee Krimlinka.

Kim Jong-un , ayaa la sheegay inuu u tagay Ruushka si uu taageerro uga raadsado Putin,kaddib markii uu burburay kulankii uu la yeelanayay Donald Trump.

Horrantii sannadkan ayay ahayd markii Trump iyo Kim ku kulmeen magaalada Hanoi si ay uga wadahadlaan barnaamijka Nukliyerka ee Kuuriyada Waqooyi kaas oo ku dhamaaday guuldarro.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
4/24/2019 8:39 AM EST
Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)– Madaxweynaha dalka Masar, Abdel Fattah el-Sisi ayaa guul ka gaaray dadaal dheer oo u ku bixinayay wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka dalkaas si awood dheerad ah uu u helo.

4/24/2019 7:45 AM EST
Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)– Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray hirgelinta iyo fulinta xeerka kufsiga, iyadoo oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee toddobaadkii hore.

4/24/2019 7:33 AM EST
Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)– Saddex askari ayaa ku dhaawacmay qarax lagu aasay waddada dhinaceedda oo ka dhacay magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

4/24/2019 6:14 AM EST
Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiyi Axmed oo booqasho ku jooga dalka China ayaa waxaa uu kulan la qaatay Madaxda Shirkadda Shidaalka ee dalka shiinaha.

4/24/2019 5:52 AM EST
Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)–Munaasabad lagu soo dhaweynayay mowqifka Wasaarada Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xamlooyinka Xajka sanadka 2019 oo ay soo qabanqaabisay Ururka Wakiilada Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Hotel Safaari ee Magaalada Muqdisho.

4/24/2019 5:44 AM EST
Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho aan horay loo sii shaacin waxa ay ku tegeem magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

4/24/2019 1:38 AM EST
Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)–Ra'iisal wasaaraha Sri Lankan Ranil Wickremesinghe ayaa sheegey, in ay suurtagal tahay in weerarkii Axaddii lagu qaaday kaniisado dalkiisa ay ka dambeeyaan kooxda Daacish.

4/24/2019 12:22 AM EST
Arbaco, April, 24, 2019 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad dheer ka jeediyey shir Madaxeedka Xaalaadda dalka Sudan, ee ka dhacay magaalada Qaahira isaga oo ka hadlay arrimo dhowr ah.

4/24/2019 12:13 AM EST
Arbaco, April, 24, 2019 (HOL)–War ka soo baxay hay’adda Nabad-sugida Qaranka ayaa lagu sheegay in howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen degmada Shibis ay ku soo qabteen xubin ka tirsan kooxda Al-shabaab u qaabilsan qaarajinta [Amniyaadka]