Arbaco, April, 24, 2019 (HOL) –
Munaasabad lagu soo dhaweynayay mowqifka Wasaarada Owqaafta iyo Arrimaha Diinta
ee xamlooyinka Xajka sanadka 2019 oo ay soo qabanqaabisay Ururka Wakiilada
Duulimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliyeed ayaa ka dhacay Hotel Safaari ee
magaalada Muqdisho.
Munaasabadda oo ay kasoo qeybgaleen Mas’uuliyiin ka kala socotay Shirkadaha
Duulimaadka, Shirkadda Diyaaradaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxaa
diiradda lagu saaray sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Xajka sanadkaan
,ayagoo ugu baaqay Wasaardda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta in ay xamlooyinka
Xajka ku bixiyaan hab cadaalad ah Isla markaana lagu qanci karo.
Midowga Wakiilada Duuliimaadka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa ugu
dambeyn War- Saxaafadeed iyo baaq ku socda dowlada Soomaaliya iyo Shirkadaha
diyaaradaha soo saartay.
War-saxaafaddeedka midowga wakiiladda
duulimaadyada :
Sidaaan la socono XAJKA wuxuu soo maray xaalado kala
duwan taas oo mar walba SATTA ay soo gudbiso heerka Xajka uu ku sugnaa
sanooyinkaas, haddaba sanadkaan 2019 Xajka SATTA waxay idiinsoo gudbineysaa
meesha uu maraayo qabanqaabada howlada Xajka.
WARSAXAFADEED KU SAABSAN
ARRIMAHA XAJKA 2019 XAALADDII XAJKA SANADKII TEGAY 2018
Sanadkii tegay waxaa jiray in
Xajka loo ogoladey in ay soo xajisiiyaan shirkado kooban shirkadahaas oo
gaarayay 5 shirkadood qaarkood xajka horey uga shaqayn jireen qaarna sanadkaas
lagu soo daray arinkaas oo ay qooneysay wasaaradda Awqaafta & Arrimaha
Diinta DFS, in kasta oo SATTA ay la socotay wixii dhacay sanadkaas iyo
shirkadihii sanadka aan si aan wanagsaneyn ugu qidmeeyay xujeydii somaaliyeed
ee ay qaadeen, haddaba sanadkaan sidee wax noqon doonan
HADABA MIDOWGA DUULIMAADKA IYO
DALXIISKA SOMALIYED EE SATTA WAXA AY IDIN SOO GUDBINAYAN BAYAANKA XAJKA
SANADKAN 2019
Sida aad la socotaan sanadkaan
xajka wasaarada diinta iyo owqaafta waxa ay go,aamisay in ay tartaman dhamaan
shirkada Somaliyeed ee awood buuxda u leh inay ka shaqeeyaan xajisiinta xujeyda
somaliyeed
Hadaba hadii ay sidaas tahay
xajkuna yahay tartan furan SATTA waxa ay ka digeeysaa xujeyda soomaaliyeed in
aan loo taagin gacan mugdi ah oo aysan dhicin in shirkado aan awood u lahayn
inta lasiiyo xajka aan dadka la dayicin oo aysan dhicin in la waayo dhamaan
qidmeeyntii uu u baahnaa qofka xaajiga ah ee sanad dhan u soo diyaar garoobayay
in uu soo cibaadeysto.
DIYAARADAHA
Sanadkaan xajka waxaa u
diyaarado badan in ay xujeyda u qaadan, diyaaradahaas SATTA waxa ay ka codsaneysaa
in ay adeeggooda hagaajiyaan, dadka in aan la cadibin, SATTA waxa ay u
taagantaahay xaquuqda dadka xujeyda somaaliyeed waxa aan loo dulqaado doonin in
qof iska qaado qof xaaji ah meelna uga tago sidaa daraadeed shirkad walba oo
xajka qaada waa in ay siwanagsan ugu khidmeyso xujeyda iyada oo ka fiirineysa
dhinac walba.
SHIRKADA
Sidoo kale SATTA waxa ay
shirkadaha ku guuleysta in ay daabulaan xujeyda somaaliyeed ugu baaqeeysaa in
ay hagaaajiyaan dhamaan adeegyada ay qaban doonan sida hotelada ,mino,
mustalifa, ,basaska, cuntada, caafimaadka IWM.
DOWLADA
SATTA waxa ay dowlada soomaaliya
qaasatan wasaaradda awqaafta iyo diinta ka codsaneysaa In aan xajka la
siyaasadeyn loogana shaqeeyo si daacadnimo, karti isxilqaan ku jirto maadama
xajku yahay rugni diini ah lagana fogaado in la siiyo qof walba oo waraaqo soo
madmadoobeeya ama xildhiban wasiir keena oo aan lagu maslixin.
SATTA waxa ay taqaanaa
shirkada xajka ka shaqeeyo iyo shirkada aan xajka ka shaqeeyn 28 sano la soo
dhaafay xujeyda somaliyeed waxaa soo xajisiinayay shirkado iyo xamlooyin
macruuf sidaa darted satta waxa ay codsaneysaaa dowladu in ay fiiro gaar ah
ulahaato shirkadaha ay siin doonto u qidmeynta xujayda somaliyeed.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]