4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyey dalka Eritrea

 

Arbaco, April, 24, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho aan horay loo sii shaacin waxa ay ku tegeem magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada  Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qeyb galay shir Madaxeed looga hadlayey xaalaadda dalka Sudaan, hasse ahaatee booqasho kadis ah uu ku tagay Eritrea,waxaana dalkaasi ku soo dhaweeyey madaxweyne Isias Afewerki.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo oo ay wehlinayaan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynaha dalkaas Isias Afewerki.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tira ka dhowr jeer tegay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea,, iyada oo uu goobjoog ka ahaa heshiis saddex geesood ahaa oo ay wada yeesheen dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]