4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2019
Sri Lanka oo tuhuntay Daacish

 

Arbaco, April, 24, 2019 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha Sri Lankan Ranil Wickremesinghe ayaa sheegey, in ay suurtagal tahay in weerarkii Axaddii lagu qaaday kaniisado dalkiisa ay ka dambeeyaan kooxda Daacish.

Kooxdan isku magacawday khilaafada Islaamka ayaa sheegtay mas'uuliyadda weeraradi Axaddi oo lagu qaaday kaniisado iyo hoteello ku yaalla Sri Lanka.

Shalay, Dowladda Sri Lanka ayaa ku dhawaaqday maalin qaran oo loo murugoonaayo dadkii weraradaasi lagu dilay, iyadoo dhimashada qaraxyadaasi ay hadda gaartay 321 qof.

Qarax-yada ayaa bur buriyay afar hotel, seddex kaniisado oo caan ah, iyagoo bartilmaameedsaday kaniisado ay aadaan dadka dalxiisayaasha ah.

VOA