4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2019
Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo booqday Xarunta Hay'adda Shifo ee Jigjiga

 

Talaado, April, 23, 2019 (HOL)– Madaxwaynaha DDS Mustafa Muxumed Cumar ayaa maanta waxaa uu booqasho ku tagay Xarunta Hay'adda Shifo ee dadka lagu dabiibo, xaruntan oo ay ku xarayssn yihiin bukaan aad u tiro badan ayaa waxay xaruntu bixisaa adeegga Caafimaadka iyo ku daawaynta diiniga. iyadoo dhanka kale xaruntu ay leedahay qayb jiif iyo cunto ah oo bukaanka loogu adeego.

Madaxwaynaha oo u kuurgalay xaaladda bukaanadan ayaa warbixino ka dhagaystay maamulaha xarunta Hay'adda Shifo wuxuuna maamuluhu uga war bixiyay Madaxwaynaha xaaladda dhabta ah ee ay ku sugan yihiin bukaanka ku xaraysan xarunta iyo dhibaatooyinka ka haysta dhanka adeeg bixinta.

 

Xaruntan ayaa waxaa aasaasay muwaadiniin degaanka u dhashay oo qurbaha ku noolaa, waxayna xaruntani intii la aasaasay ay degaanka ku soo kordhisay wax badan oo wax tar u leh dadka dhimirka wax ka qaba oo waayadii hore dalalka dariska lagayn jiray balse hadda gudaha degaanka wax loogu qabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]