Labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo heshiish ka gaadhay qabsoomida doorashooyinka soo socda
Talaado, April, 23, 2019 (HOL)– Labadda xisbi ee
UCID IYO kulmiye ayaa ku heshiiyey inay doorashaddu wakhtigeedii dhacdo, isla
markaana guddida doorashooyinka ee hada jiraa sii wadaan shaqadoodda
diiwaangalinta codbixiyeyaasha.
Sidoo kale, waxa lagu heshiiyey in bisha 8aad ee
sanadkan la soo magacaabo guddida cusub ee doorashooyinka iyagoo qaab tobabar
ula sii shaqayn doonna guddida mudadu ka dhamaanayso dhamaadka bisha November
ee sanadkan.
Qodobadan lagu heshiiyey waxa ka mid ah:
1.
Laba xisbi qaran ee UCID iyo kulmiye waxay isku afgarteen in doorashooyinka
goleyaasha deegaanka iyo wakiilada ee qorshaysan inay qabsoonto 13 december
2019 ay ku qabsoonto wakhtigii loogu tallogalay.
2.
In komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda jira uu bilaabo hawlaha
diiwaangalinta iyo u diyaar garowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo
Wakiilada.
3.
Sidoo kale, waxa ay xisbiyada qaranka ee kulmiye iyo UCID isla qaateen in 01
augusta 2019 la soo xulo komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub,
komishanakas oo tiradiisu tahay 7 xubnood
Komishanka doorashooyinka qaranka ee hada
shaqaysanaya ayaa sii waddi doonna hawlaha qaban qaabada doorashooyinka illaa
dhamaadka muddo xilleedkooda sida ku cad xeerka doorashooyinka.
Sidoo kale, waxa lagu heshiiyey in doorashadda
soo socota ka dib wax laga bedeli doono tiradda xubnaha guddida doorashooyinka
oo laga dhigi doono sagaal xubnood halka ay imika ka tahay toddoba xubnood,
waxaana min xubin dheeraad ah la siin doonna labada xisbi mucaarad.
Dhinaca kale, xisbiga WADDANI ayaa isagu ka maqan
heshiishkan ay gaadheen labada xisbi
UCID iyo KULMIYE, waxaanay dhawr jeer ku
kala kaceen kulamo ay yeesheen, taas xisbiga WADANI biyo diiday, waxaanu ku
doodaya in la kala diro komishanka hadda shaqaynaya iyo in la kordhiyo xubnaha
komishanka doorashooyinka.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.