4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2019
Shir looga hadlayo xaaladaha dalalka Liibiya iyo Sudan oo ka furmaya magaalada Qaahira

 

Talaado, April, 23, 2019 (HOL)–Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa lagu wadaa uu maanta ka furmo shir looga arinsanayo qalalaasaha Sudan, waxaana dhinaca shirka uga qeybgalaya Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay madaxweynaha dalka Masar C/fataax Al-Sisi, sidoo kalena ah guddoomiyaha Midowga Africa ayaa waxaa ka qeyb galaya Soomaaliya, Koofur Afrika Rwanda iyo Chad, kuwaas oo ka tirsan urur Goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka noqon doona xaalada ka soo cusboonaatay dalka Liibiya oo ay ka socdaan dagaallo culus.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in marka laga soo tago shirka guud ee Qaahira waxaa uu shir doceedyo uu la yeelan doonaa  Madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Sudan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]