4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2019
Dil xalay ka dhacay degmada Goldog ee gobolka Mudug

 

Talaado, April, 23, 2019 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya degmada Goldog ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qof hubeysan uu xalay toogasho ku dilay Nin lagu magacaabi jiray Cadaawe Cali Aadan oo ka tirsanaa bahda cayaaraha degmada.

Saraakiisha amniga degmada ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta lagu dhigay qofka toogashada geystay oo isku dayay in uu baxsado dilka kaddib.

Dadka degmada ayaa siweyn uga naxay dilka lagula kacay Cadaawe Cali Aadan oo ahaa qof siweyn looga garanayay deegaanka.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta keentay dilka marxuumka hasse ahaatee saraakiisha Amniga ayaa sheegay in ay baaritaan wadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]