4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2019
Wasiir Geelle : Dowladdu waxey diyaar u tahay in la fariisato siyaasiyiinta hanka hoggaaminneed leh

 

Talaado, April, 23, 2019 (HOL) – Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ka hadlayay shir magaalada Nairobi ugu soo dhamaaday siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo xisbiyada mucaaradka ayaa ugu baaqay sida uu hadalka u dhigay in ay [ Orodka mucaaradnimada  dhimaan]

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu mar walba garwaaqsan tahay doorka siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada, hasse ahaatee waxba micnaha soo kordhin doonin sida uu hadalka u dhigay mucaaradnimo la doonayo in wax lagu dumiyo.

‘’Dowladu waxey hadda waddaa isku raadinta dadka Soomaaliyeed, laakiin waxaan leeyahay siyaasiyiinta ka tanaasula mucaaradnimada, haddiise aydan ka tanaasuleynin Orodka haka badan-nina’’ ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Geelle ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya diyaar u tahay in ay la fariisato siyaasiyiinta hanka hoggaamineed leh in ay dowladda soo hor fariistaan,isla markana ay ka wada hadlaan Soomaali ahaan masaalixda Ummadda Soomaaliyeed wax walbana dhameeyaan

Kulankii maalintii shalay ku soo dhamaaday magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin mug iyo miis ku dhax leh saxada siyaasada Soomaaliya iyo qaar ka mid hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka, iyaga oo eedeymo culus u soo jeediyay dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]