4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2019
Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo heshiis kale oo cusub kala saxiixday

 

Talaado, April, 23, 2019 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay Magaalada Qaahira, Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ee aanu walaalaha nahay, Mudane Dr. Mostafa Madbouli.

Intii kulanku socday ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo dhowr arrimood oo iskaashiga laba dhinaclaha ah oo ay ku jirto isdhaafsiga ganacsiga, waxaa kale oo lagu faaqiday horumarradii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida.

Maagalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo halkaasi kaga qeyb geli doona shir lagaga arrinsanayo xaaladda dalka Suudaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]