4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Cunugii yaraa ee laga xaday Isbitaalka SOS oo dib loo helay

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Sidda laga soo xigtay qaar ka mid ah eheladda qoyskii dhawaan laga xaday ilmaha yar gudaha Isbitaalka SOS waxaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo haweeneydii xaday ilmaha iyadoo cunugii yaraa dib loo helay.

Ciidamada Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa dhacdadan u xiray dhowr qof oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen falkaan, islamarkaana la geeyay xarunta dambi baarista.

Ilmaha yare ee dib loo helay ayaa la sheegay in uu caafimaad qabo, islamarkaana lagu guuleystay in lagu wareejiyo Hooyadii dhashay.

Naciimo Maxamed oo ah Hooyada laga xaday ilmaha yar ee lagu dhex xaday Isbitaalka Soos ayaa xaalad aan wanaagsaneyn ku jirtay, kadib markii ay si wayn kaga naxday ilmihii ugu horeeyay ee ay dhashay oo laga xaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]