4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Madaxwayne Mustafe Cagjar oo degmada Raaso ka dhagax dhigay Kulliyada Farsamada gacanta

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar ayaa socdaal uu ku marayay maalmahan gobolada degaanka waxaa uu ku dhagax dhigay mashruuca dhismaha Kulliyada tababarada xirfadaha iyo farsamada oo laga dhisayo degmada Raaso.

Madaxwaynaha ayaa intuu socdaalka ku jiray wuxuu u kuur galay xaaladda dadka ku nool degmooyinka gobolka Afdheer, iyagoo madaxwaynaha uga war bixiyay xaaladda adag ee biyo la'aanta iyo horumar la'aanta ka jirta guud ahaan gobolka Afdheer.

Socdaalka Madaxwaynaha ayaa la filayaa in uu sii socdo isagoo mari doona gobola kale sida Gobolka Shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]