4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Xanuunka Shubanka oo magaalada Taleex faro ba'an ku haya

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Xanuunka shubanka ayaa si aad ah ugu sii fidaya magaaladaTaleex ee gobolka Sool, ka dib markii ay adkaadeen helitaanka biyo nadiif ah la cabi karo.

Iimaan Cali Faarax oo ka mid ah hawl wadeenada caafimaadka ayaa waxaa uu HOL u sheegay in abaarta daba dheeraatay ay sababtay in la waayo biyo iyadoo ceelashii badankoodii gudheen kuwa kalena ay adkaadeen.

"37 ruux ayaan ogahay oo aan anigu dabiibkooda gacanta ku hayaa, waxaana jira dad badan oo dadkoodu la tacaalayaan" ayuu yidhi Iimaan isagoo intaa raaciyey in haatan dadka ay magaalada ka saarayaan oo Isbitaalka geynayaan si ay ugu adeegi karo.

Qaar ka mid ah bukaanka shubanku haleelay ayaa la soo gaadhsiiyey magaalada Laascaanood halka qaar kalena la geeyey magaalada Garoowe caasimada Puntland.

Ma jiro wax dhaqdhaqaaq gurmad ah oo illaa hada ay heleen dadka reer Taleex waxana ay kula tacaalayaan gurmadka goobaha gaarka loo leeyahay iyo dowooyin dhaqameed ay ka mid tahay assalka geedka Galoolka sida uu noo sheegey Maxmuud Xasan oo ka mid dadka degaankaas haatan ku sugan.

Lama sheegi karo xaqiiqada dhabta ah ee shubankan waxase dadka reer Taleex ay naawilayaan raxmaad rabi iyo gurmad degdeg ah si loo xakameeyo aafadan. 

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool