4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Shirka Soo Bandhigidda, Dib u Habaynta hay'addaha maamulka oo ka furmay Garoowe

Axad, April, 21, 2019 (HOL)– Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha , Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay shirka dib u eegista, soo bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay'addaha dowladda.

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa waxaa Ku-simaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada, Agaasimayaasha Hay'addaha Madaxa-banaan iyo kuwa Wasaaradaha Dowladda, Qaryaqaanada Dowladda iyo khuburo kale.

Axmed Karaash oo daah-furay shirka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu leeyahay shirkani oo socondoona muddo laba cisho ah, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo shirkani kusoo bandhigtay doormuhiima oo ay ka qaadatay dib u habaynta shaqaalaha dowladda.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland , waxa uu sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad ballaaran xanbaarsan, waxa uu tilmaamay in shaqadan ay horay u soo socotey ujeedkuna uu yahay in Wasaarad walba shaqadeeda lagu jaheeyo.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Puntland oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dib u habayn, qaabayn iyo dib u casriyayn lagu sameeyo shaqaalaha dowladda, waxaana ay beyaamiyeen in shirkan iyo kuwa kale ee horay u qabsoomayba qayb ka yihiin dedaalada dowladdu ku tayaynayso hay'addaha dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland,  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hay'addaha kala duwan ee dowladda kula dar-daarmay inay dhaqan-geliyaan arrimaha shirka kasoo baxa, taas oo meesha ka saaraysa mad-madow horay u jiray.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]