Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Inta la
xaqiijinayo 137 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro kalena ay ku
dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay kaniisado iyo hoteello ku yaal dalka Sri Lanka.
Wararku waxaa ay sheegayaa in ilaa Lix qarax ay ka dhaceen dhaceen kaniisado
iyo hoteello ku yaal dalkaasi, xilli lagau guda jiro ciidda Masiixiga ee
Easter.
Qaraxyada ayaa la sheegayaa in ay ka dhaceen kaniisado ku yaal degmooyinka
Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa.
Saddex qarax oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen hoteellada
Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaal bartamaha
magaalada caasimadda ah ee Colombo.
Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 80 qof
oo dhaawac ah la dhigay isbitaallada Colombo
Maanta oo Axad ah ayaa masiixiyiinta caalamka waxa ay xusayaan ciidda
masiixiga ee Easter.
Sawirro la soo dhigay baraha xiriirka bulshada ayaa muujinayay dhiig daadsan
mid ka mid ah kaniisadaha la weeraray.
Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Sri Lankan ayaa sheegaya in dalxiiseyaal
shisheeye ay suurtagal tahay in ay ka mid yihiin dadka ay dhibaatada ka soo
gaartay qaraxyadani.
Madaxweynaha dalkaasi Maithripala Sirisena ayaa warbixin qoraal ah oo uu soo
saaray waxa uu shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan oo ay baaritaannada ka
caawiyaan laamaha ammaanka.
Wasiirka maaliyadda ee Sri Lanka Mangala Samaraweera ayaa qoraal uu soo
dhigay bartiisa Twitter waxa uu ku sheegay in weerarradani ay u muuqdaan kuwo
aad loo soo qorsheeyay oo looga gollahaa dil, jahawareer iyo xasilloonidarro.
Waxa uu intaa ku daray in weerarradaasi lagu laayay dad badan oo aan waxba
galabsan.
Dalkaasi Sri Lanka waxaa u badan dadka aaminsan diinta Buudiistaha, waxaana
dhawr jeer ay rabshado dhex mareen Muslimiinta iyo Buudiistaha. Rabshado dhacay
bishii Maarso ee anadkii 2018 ayaa Buudiistuhu waxay gubeen masaajidda iyo
hantida dadyowga Muslimiinta ahi, arrintaa oo sababtay in waddanka la geliyo
xaalad deg deg ah.
Sidoo kale waxaa jirtay cabsi ah in maleeshiyaadka kooxda la baxday dowladda
Islaamka ee Daacish ay halis ammaan ka abuuraan dalkaasi Sri Lanka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]