4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2019
Koonfurta caasimadda Tripoli ee Liibiya waxaa wali ka socda dagaallo xooggan

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) – Dagaal culus ayaa ka qarxay koofurta magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya ka dib markii xukuumadda ay Qaramada Midoobey taageerto ay ku dhawaaqday weerar rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada uu hoggaamiyo janaraal Khalifa Xaftar ee duulaanka ku soo qadaay Tripoli.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dhaq-dhaqaaqyo kooban sameynayeen dhinacyada isku haya gacan ku haynta magaaladaasi Tripoli, waxaana muddada labada usbuuc ah ee ay dagaalada socdeen waxaa ku dhintay qiyaastii 220 qof. 

Ciidamada daacadda u ah Janaraal Khalifa Xaftar ayaa billoowgii bishan weeraray xooggan waxa ay ku soo qaadeen magaalada Tripoli oo ay doonayeen in ay maamulkeeda gacanta ku dhigaan.

Maalmo ka hor ayaa rai'salwasaaraha dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee Liibiya ayaa cambaareyn adag dusha uga tuuray beesha caalamka.

Fayez al-Serraj ayaa cambaareeyay "aamusnaanta ay beesha caalamka ka aamustay " xoogagga soo weeraray caasimada Tripoli.

Ra'iisal wasaare Al-Serraj ayaa BBC u sheegay in dadkiisu ay dareemayaan in beesha caalamku ay meel cidlo ah uga dhaqaaqday.

Waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in golaha ammaanka aysan qaadin wax tallaabo ah maadaama aysan wali is-afgarad ka gaarin qaabkii loola tacaali lahaa arrintan faraha ka sii baxaysa.

Xukuumadda midnimada qaran ee ra'iisalwasaare al-Serraj ayaa sheegeysa in ay ciidamadeeda duqeymo u geysteen goobala ay magaalada Tripoli ka haystaan ciidamada janaraal Xaftar.

Ciidamada daacadda u ah Jjanaraal Xaftar oo dhawr jaho ka soo weeraray Tripoli ayaa aad ugu sii siqayay magaalada waxa ayna sheegeen in ay qabsadeen garoonka caalamiga ah ee Tripoli.

Xigasho BBC