4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 21, 2019
Hoteello iyo Kaniisado la weeraray dalka Sri Lanka

 

Axad, April, 21, 2019 (HOL) –Wararka ka imanaya dalka Sri Lanka ayaa sheegaya in qaraxyo lagu weeraray Labo Kaniisadood iyo Hoteello ay sababeen dhaawacyo kala duwan sida laga soo xigtay Booliiska.

Qaar ka mid ah weerarka qaraxyada ah ayaa ka dhacay Kaniisad iyo labo hoteel o ku yaala caasimada Colombo, halka Kaniisad kale ay ku taalo Negombo, waqooyiga Colombo.

Dadka deegaannada ay qaraxyada ka dhaceen ayaa ku mashquulsan daad –gureynta dhibanayasha wax ku noqday qaraxyada oo dhacay Axadii maanta.

Hay’addaha Amaanku bixin faah faahin intaa dhaafsiisan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]