4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 20, 2019
Wasiir Goodax oo qiray in Puntland laf dhabar u tahay Tacliinta Soomaaliya

Sabti, April, 20, 2019 (HOL)– Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka ,Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta warbixin ka siiyay guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare qorshaha Wasaaradda ee sannadkan ay ku fulinayso imtixaanka mideysan ee loogu tala-galay inay galaan ardayda ka qalin-jabinaysa dugsiyada sare, waxaana wasiirka su’aallo laga waydiiyey arrinta Puntland oo wali aan oggolaan imtixaanka midaysan.

Wasiir Cabdullaahi Goodax, ayaa kulanka kaddib warbaahinta la hadlay isagoo ay dhinac-taagnaayeen xildhibaannada golaha Aqalka sare ku jira ee laga soo doorto Puntland, wuxuu  sheegay in Puntland ay waaya aragnimo u leedahay arrimaha waxbarashada iyo imtixaanaadka, balse muhiimaddu ay tahay in la mideeyo hannaanka waxbarashada dalka.

Waxaa kalo uu sharraxaad ka bixiyay hadalladii uu adeegsadey xilliga uu ka hadlayay arrimaha Puntland, isagoo sheegay in weedhihii uu ka dhawaajiyay loo dhigay qaab uusan isagu oran, taas oo ku eedeyay siyaasiyiin uu ku sifeeyay kuwa aanan xilba hayn.

"Nuxurka wuxuu ahaa shahaado aan la ogayn sida loo qaaday iyo meesha lagu saxay imtixaankeedda kama marqaati kaci karno" ayuu yiri wasiir Goodax oo inta ku daray " Arrinta Imitixaanka ee aan isku fahmi waynay waxay ahayd mab-da ma aysan ahayn farsamo.. waxay ahayd in labada wasaaradood ay iska fahmaan."

"Puntland in aan wax isla wayno ma aysan ahayn, laakin waan hubaa xal wuu imaanayaa, annigana waxaan ballanqaadeynaa in aanan sameynin wax dhaawacaya mabaadii kale oo ad adag" waxa uu inta raaciyay "Puntland waayo aragnimo dheer ayay leedahay, wax waa looga daysadaa, wax badan way bixiyaan oo kaalmo ah,  in aan horumarino tacliinta Soomaaliya ugama maarano."

Wasiirka ayaa ku boggaadiyay Senator-da metala Puntland sida xil-kasnimada leh ee ay ugu soo baxeen arrinkaan,iyagoo xildhibaannada ay dhankooda sheegeen inay u baxayaan Puntland si la iskula meel dhigo arrinta imtixaanka mideysan.

Gabagabadii, Samsam Daahir Maxamuud xoghayaha gudiga arrimaha bulshada Golaha Aqalka sare ahna ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in xal laga gaaro arrinta imtixaanaadka ka hor waqtiga uu billaabanayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]