4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2019
Nairobi: Hoggaamiyeyaasha dowlad-gobolleedyada oo iskood ula kulmaya beesha caalamka

Sabti, April, 20, 2019 (HOL)– Saddex hoggaamiye dowlad-gobolleed ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,halkaa oo ay ka billaabeen kullamo ay la qaadanayaan beesha caalamka iyo deeq bixiyeyaasha,sida ay HOL u sheegeen ilo ku dhow madaxda dowlad-gobolleedyada.

Hoggaamiyeyaasha ku sugan Nairobi ayaa kala ah madaxweynayaasha Jubbaland , Galmudug iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay gaaray Nairobi.

"Madaxda waxay la kulmayaan xubnaha beesha caalamka ee Nairobi ku sugan". ayuu yiri sarkaal ka tirsan wafdiga madaxweynaha Puntland oo inta ku daray " Sidoo kale waxay qaadanayaan kullamo iyaga dhexdoodda ah".

Madaxda dowlad-gobolleedyada ayaa isku dayaya inay si toos ah beesha caalamka ugu helaan taageerrada ay siiso Soomaaliya, iyagoo dadaal ku bixinaya in dib loo soo cusbooneysiiyo barnaamijkii la macaamilka maamullada, oo horay dowladda iyo maamul-gobolleedyada si gaar ah loola macaamili jiray.

Dowlad-gobolleedyada ayaa dhowrmar  ku eedeyay dowladda dhexe ee federaalka inay siyaasadeysay deeqaha loogu tala-galay gobollada,kaddib khilaaf iyo kala aragti duwanaasho soo kala dhexgashay dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Kullamada hadda Nairobi ay ka wadaan madaxda dowlad-gobolleedyada ayaa sidoo kale ku soo aaddaya xilli uu dib u dhacay shir uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo inuu ka dhaco Muqdisho, kaas oo u dhaxeeya maamul-gobolleedyada iyo dowladda federaalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]