3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2019
Wariyeyaasha Somaliland oo ka hor yimid guddi loo sameeyey warbaahinta dalka

 

Sabti, April, 20, 2019 (HOL) – Wariyeyaasha madax banaan ee Somaliland ayaa ka si weyn uga hor yimid guddi ay wada jir u magacaabeen wasaaradda warfaafinta iyo ururka saxaafada ee SOlJA oo loo bixiyey guddida badqabta saxafiyiinta Somaliland.

Guddidan ayaa ka kooban toddoba xubnood oo u badan wasaarada warfaafinta Somaliland oo uu ku jiro agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo dhaqanka.

Warbaahinta madax banaan ayaa sheegay in guddidaasi aanay ku jirin wariyeyaal madax banaan,isla markaana kuwii laga cabanayey aanay dhex ka noqon Karin warbaahinta.

Wariyeyaasha madax banaan ayaa sheegay in guddi dhinaca muxaafadka u badan aan loo baahnayn, isla markaana guddidan ay ku markhaati furi karta wariyaha dhiban hadii laga soo dacwooda, sidaas darteed, waxaanay dhowaaq dheer ka muujiyeen in guddidaasi aanay ogolayn warbaahintu.

Ururka saxaafadda Somaliland ee Solja ayaa loo baahan yahay inay iyadu doorkeedii qaadato,isla markaana ay difaacdo wariyeyaasha, haseyeeshee guddi cusub oo aanay ku jirin warbaahintii madax banaanaa aanay suurogal ahayn inay warbaahintu la shaqayso.

Inta badan wariyeyaasha madax banaan ayaa si weyn uga hor yimid guddida shan ka mid ahi wasaarada warfaafinta yihiin, taas oo mar walba aqlabiyadii ay leedahay wasaaradda warfaafintu.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.













Click here
4/20/2019 2:36 PM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL)– Guddiga la-dagaallama musuqmaasuqa ee uu sameeyay golaha milateriga Suudaan ayaa sheegay in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doollar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay gaareyso $104,837 milyan oo doollar.

4/20/2019 2:02 PM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL)– Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee dalka ,Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta warbixin ka siiyay guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare qorshaha Wasaaradda ee sannadkan ay ku fulinayso imtixaanka mideysan ee loogu tala-galay inay galaan ardayda ka qalin-jabinaysa dugsiyada sare, waxaana wasiirka su’aallo laga waydiiyey arrinta Puntland oo wali aan oggolaan imtixaanka midaysan.

4/20/2019 12:12 PM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL)– Saddex hoggaamiye dowlad-gobolleed ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,halkaa oo ay ka billaabeen kullamo ay la qaadanayaan beesha caalamka iyo deeq bixiyeyaasha,sida ay HOL u sheegeen ilo ku dhow madaxda dowlad-gobolleedyada.

4/20/2019 9:09 AM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL)–Maamulka Isbitaalka SOS ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Ilmo yar oo la xaday 24 Saac kaddib markii ay hooyada ku umushay Isbitaalka.

4/20/2019 8:01 AM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL) – Xukuumadda Puntland ayaa ka tacsiyeeysay geerida allaha u naxaristo Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo saakay ku geeryooday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

4/20/2019 7:35 AM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo maanta la geeyey maxkamadda gobolka Maroodi jeex si rumaan looga qaato inta kiiskiisa ay baadhayaan, ayaa ka diiday inay rumaansiiso iyado ku dooday in dacwadiisa lagu qaado gobolkii laga soo kaxeeyey iyo in aanu bixin amarka soo qabashada wariyaha.

4/20/2019 5:23 AM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL) –Magaalada Garoowe waxaa subaxnimadii hore ee saakay ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ahaa siyaasi siweyn loo garanayay deegaannada Puntland.

4/20/2019 2:54 AM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL) –Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba aqbali doonin in dadka lagu marin habaabiyo sida uu hadalka u dhigay dibadbaxyo Facebook laga abuulo.

4/20/2019 12:57 AM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii shalay booqasho aan la sii shaacin ugu tagay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannadii ugu danbeeyay ee laga qabsaday Al-shabaab gobolka Shabeellaha hoose ayaa fariin u diray ciidamada.

4/20/2019 12:41 AM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL)–Wararka ka imanaya degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab xalay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada.

4/20/2019 12:34 AM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL) – Weeraryahanka kooxda Liverpool, Maxamed Salaax, ayaa sheegay in ragga ay "dhaqanka wadaagaan iyo kuwa Bariga Dhexe" looga baahan yahay inay si xushmad dheeraad ah leh ula dhaqmaan dumarka, xilli uu laacibkan ka mid noqday boqolka qof ee ugu saamaynta badan caalamka ee ay soo xulatay jariirada Time.

4/20/2019 12:22 AM EST
Sabti, April, 20, 2019 (HOL) –Boqorka dalka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa martiqaad soo gaarsiiyay madaxda dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle.